Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Banaan bax maanta ka dhacay Albaabka laga galo xarunta Madaxtooyada (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta mar kale afaafka hore ee xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ka dhacay banaan bax cabasho ah ay dhigayeen qaar ka mid ah Ciidamadii hore ee Naafada Qaranka ee ku dhaawacmay dagaalkii Itoobiya lala galay sanadkii 1977-kii.

Naafada banaan baxa dhigaysay ayaa ka cabanayay in mudo dhowr bil ah aan la siin wax mushaar ah sidoo kale aysan helin gunadii ay horey uga heli jirtay dowlada federaalka Soomaaliya.

Dadkan banaan baxa dhigayay ayaa xiray albaabka laga galo xarunta Madaxtooyada waxa ay sidoo kale fadhiisteen bartamaha laamiga hor mara Madaxtooyada iyaga oo diidayay in ay maraan gaadiidka ay wataan masuuliyiinta dowlada.

Banaan baxayaasha ayaa markii dambe goobta isaga tagay kadib markii lala hadlay, waana banaan baxii labaad ay maalmo gudahood ah ka hor sameeyeen albaabka Madaxtooyada dadkan ka cabanaya in aysan helin mushaarkooda .

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Caalamka oo ka digtay Doorasho Hal dhinac ah iyo Mudo kororsi

Cabdi Cade

Doorashada kursi ka mid ah Golaha shacabka oo xalay ka dhacday Jowhar (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxkamad ku taal Amesterdam oo go’aan ka gaaraysa dacwadii Masjid Quba & taagerayaasha Sheekh Suldaan Gasle oo..

Cabdi Cade
Taboola Ads ---