Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Q/Midoobay oo digniin ka soo saartay dhibaato ku soo wajahan Somalia

Heyada isku dabaridka arrimaha gargaarka ee Qaramada Midoobey ee OCHA ayaa ka digtay in roobabka Soomaaliya ka curtay ay sababi karaan daadad dhaliya khasaarooyin kala duwan.

Saameynta ugu badan ayaa waxay roobabku ku yeelan doonaan sida OCHA ay sheegtay dadka ku nool meelaha ay fatahaaduhu ka jiraan gaar ahaan dhulka ku teedsan wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

Heyadda OCHA ayaa ugu baaqday maamulada deegaanadaasi iyo heyadaha la shaqeeya inay qorsheeyaan talaabooyin looga jawaabo waxyeelada dhici karta.

Xafiiska OCHA ee Soomaaliya ayaa sheegay in curashada xilliga deyrta laga dareemay meelaha qaar oo roobab xoog leh ay ku hooreen .

Meelaha roobabka lixaadka leh ay ku hooreen ayey ku sheegtay gobolada Sool, Sanaag, Nugaal, Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Bakool.

OCHA waxay tilmaantay in roobabku ay sii kordhin karaan xaaladaha fatahaadaha iyo barakaca ka jira qeybo badan oo Soomaaliya ka mid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ka shiray qodobo xasaasi ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Farmaajo oo la dardaarmay xubnaha Somalia ku metelaya Ciyaaraha Olombikada (Sawirro)

Caydiid Ali

Xaalado cusub oo cudurka Covid-19 oo maanta laga diiwaan galiyay Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---