Akhriso :10- Su’aal oo adag oo Ra’isul Wasaare Kheyre lagu weediinayo Mareykanka

Ra’iisul Wasaarada Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo magaaladda Washington uga qayb galaya shir maaliyadda iyo deyn cafiska Soomaaliya ku saabsan ayaa laga doonayaa in uu ka jawaabo su’aalo badan oo muhiim ah, kuwaasi oo laga weydiin doono Wax qabadka xukuumaddiisa iyo caqabaha ku gaadaaman.

Sida lagu daabacay Warbaahinta Washington Examiner ee Mareykanka laga leeyahay Hey’adda Lacagta Aduunka, Bankiga Aduunka, Congress-ka Mareykanka, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa Khayre ka codsan doona in uu ka jawaabo 10 Su’aalood.

 Su’aasha  1 aad: Maxay Soomaaliya wali ugu baahantahay in ay hesho taageeradda Caalamka?

Mareeykanka ayaa waxaa uu kordhiyay Taageeraddda uu siiyo Soomaaliya waxaana uu gaarsiiyay $900 oo million halka uu markii hore siin jiray  $500 oo million.  Soomaaliya lacago kale ayey ka heshaa Beesha Caalamka, hadaba Ra’iisul wasaare Khayre waxaa laga doonayaa in uu sharaxo haddii uu jiro wax horumarin ah oo Dowladdu lacagahaas u adeegsatay ee dhinacyadda Amaanka, dhulka ay maamusho, dhaqaalaha iyo Waxbarashadda.

Su’aasha 2 aad: Muxuu u badan yahay Mushaarka laga qaato Muqdisho?

Majaladda Maqaalkaan daabacday ayaa qortay in Soomaaliya mushaarku uu badanyahay balse adeegyaddu ay yaryihiin  marka loo eego Soomaaliland.

  • Hadii ay Soomaaliland mushaar yar ku qaban karaan Shaqo fiican maxaa Soomaaliya u diiday?

Su’aasha 3 aad: muxuu yahay qorshaha lagula tacaalayo musuqa?

  • Maxay Dowladaadu ka qabatay yareynta musuqa?
  • Imisa Wasiir ama lataliye ayaad u eriday musuq dartiis

Su’aasha 4 aad: Muxuu safarka Farmaajo u badan yahay?

Madaxweyne farmaajo ayaa xafiiska waxaa uu yimid isagoo Madaxweynihii ka horreeyay ku dhaleeceeyay safarradii badnaa ee caalamka uu ka aadi jiray isagoo sheegay in uu wadanka joogi doono hase ahaatee waxaa soo muuqday markii uu xafiiska la wareegay kadib in safaradiisu ay is daba jog noqdeen.

  • Muxuu Farmaajo uga baahanayahay in uu dibadda u safro?
  • Miyeysan ahayn Shaqadda Wasiirka Arrimaha Dibadda?
  • Inta farmaajo uu dibadda jiro ayaa maareeya Howlaha wadanka?

Su’aasha 5 aad: Soomaaliya ma bad-baadi kartaa markii AMISOM ay baxdo?

AMISOM waxaa ay mar hore billowday in ay si tartiib-tartiib ah wadanka uga baxaan, Ciidanka Soomaaliya waxaa ay ka cabanayaan mushaar la’aan.

  • Yaa dacwad loogu soo oogay in mushaarkii ciidanka uu xaday?
  • Ma rajeeyneeysaa in Soomaaliya ay Al-shabaab iska caabin karto hadii Ciidanka aysan fileynin in ay dagalamaan?

Su’aasha 6 aad: Hadii aad dooneeysaan taageeradda Mareeykanka maxaad heshiiska ula gasheen Shiinaha?

Waxaad Washington u joogtaa in aad kaalmo dheeri ah dalbato, Dowladaaduna waxay shati kaluumeeysi siiyay Shiinaha.

  • Ma rumeysantahay in Shiinuhu uusan Soomaaliya ku daneysaneeynin?
  • Haddii aysan sidaas ahayn, maxay yihin danuhu?

Su’aasha 7 aad ayaa ah Maxaad u weeydiisateen Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda in ay idin dhexdhexaadiso Adinka iyo Kenya ee hadana aadanan Go’aanka u sugin?

Su’aasha 8 aad: Maxay Soomaaliya u galeeysaa Muranka Isreal iyo Falastiin.

Su’aasha 9 aad: Ma rumeysantahay in Turkigu uu yahay awood Soomaaliya xasilineeysa?

Su’aasha 10 aad: Maxay yool idin kugu tahay midowga Somaaliland?

Raysal Wasaare Kheyrre ayaa la ogeen sida uu uga jawaabi doono su’aalaha adag ee horyaala Dowladda Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha horyaala.

W/T KNN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -