Imaaraatka Tartanka Geela iyo Fardaha ayaan ku ogeyn Goormey Siyaasad barteen !!

Faragelinta Soomaaliya waxay soo martey Heerar kala duwan gaar ahaan Xiliyadii Dagaalada Sokeeye, waxaana  Feregelintii ugu horeysey ka timid Dowlada Mareykanka waana la ogaa halkii uu Maraykan ka baxay iyo Dhibaatadii ay keentey faragelintaas.hase yeeshee Faragelintaas Mareykanka weli waa taagan tahay isagoo adeegsanay Wadamo kale.

 Waxaa ku xigey Dowlada Liibiya oo iyana faragelinteeda ahayd mid  ay ku horteegneyd Qaar ka mid ah Dowladaha Carabta gaar ahan dalalaka Khaliijka, waxayna Diidaneyd Liibiya in Soomaaliya ay galangal Siyaasadeed ku yeesheen Soomaaliya,  waxaana la sheegaa  oo dad badan ay aaminsan yihiin Hadii uu joogi lahaa Madaxweyihii hore ee dalka Liibiya Khadaafi Faraelinta maanta ee Soomaaliya  Wadamada khaliijka aysan Dhici lahayn.

Dowlada Itoobiya oo Faragelinteeda Bilaabatey Maalinkii uu geeriyoodey Alaha u Naxaristee Caydiid Garaad wax iska badeley ma jiraan fareglintaas, hase yeeshee, waxay faragelintaas balaaratey markii uu Xukunka la wareegey Alaha u Naxariistee Cabdulaahi Yuusuf waana la ogaa wixii Dhibaato iyo rafaad ah ee ka dhashey Faragelintaas .

Faragelintii Xigtey waxay ahayd Markii uu Gurmad uu Nooga yimid Dowlada Walaalaha Turkiga, Xili Soomaaliya ku jirto xaalad adag  wuxuuna Gurmaadkaas uu isku Badelay in  Aaakhirkii Dowlada Tukiga Saldhig  weyn ka furto Magaalada Muqdisho, sidaa darteed  Feragelinta Turkiga Bulshada  Soomaaliyeed way   aqbaleen waxayna  sheegaan in Dowlada Turkiga ay tahay dowlada wax lala qaybsan karo, isla markaana noo soo Gurmatey Xili Dadka Soomaaliyeed ay Abaar daran ku habsatey, wxii Xiligaas ka dambeeyey waxay Turkiga Soomaaliya ka fuliyeen Mashaariic badan.

Markii ay Dhaceen kacdoonkii Wadamada Carbeed ee Sannadkii 2011  oo dad badan ay aaminsan yihiin in  Kacdoonkaas ay Ka dambeeyeen wadamada khaliijka iyagoo u adeegayey Dowlado kale, wuxuuna Kacdoonkaas  uu keeney in ay Madaxa kor u qaadaan Wadamada Khaliijka oo waligood aan ku firfircooneyn Siyaasadaha Dunida ayna ku Mashquulsanaayeen  Tartamo Cayaareed  sida Tartanka Gawaarida, Tartanka Fardaha, Tartanka Geela ayna Balaayiin Doolar kala baxaan Naadiyo Isboorti oo ku yaal Yurub iyo Mareykanka.

Jaraaid ka soo baxay Dalka Ingiriiska ayaa waxaa uu qorey kal hore  in  Dowladii ku Xoog Badnaato Dhinaca Ganacsiga   Marinka Badweynta Hindiya  iyo Badda Cas ay Xukumi Doonaan Aduunka oo dhan, marka dib u fiiriyey warkaas  Wargeyslka uu Qorey waxaa ii soo baxay Faragelinta lagu hayo Soomaaliya ay u sabab tahay  Tartanka Wadamada Aduunka ee Soomaaliya.

Khilaafkii khaliijka  ee u dhaxeeyey Sacuudiga iyo Imaaraadka oo isku Dhinac  ah iyo Qadar oo iyana sameysatey Isbaheysi sida Wadadama Turkiga iyo Masar ayaa haatan waxaa Moodaa in Sacuudiga iyo Imaaraadka isku Fiicneyn ka dib markii imaaradka Falal uusan Jecleysan Sacuudiga ka sameeyeen Dalka Yaman.

Siyaasadaha aan Farsameysneyn ee imaaraadka  waa mida keenety in ay  galaan heshisyo  Qar iska tuurnimo oo ugu horeysa Heshiis saami  Qaybsi ah la sameeyeen Maamulka aan la Aqoonsaneyn ee Soomaaliland iyo itoobiya waxaana heshiiska ee imaraadka Garwadeenka ka ahaa si weyn uga hor yimid inta badan Bulshada Soomaaliyeed  oo yaqiinsadey in lagu soo Duuley Madaxbanaanidooda.

Dowlada Qadar oo haatan mooda in ay ku dhaqmeyso Siyaasad Qunyar Socod ah ayaa Soomaaliya la gashey heshiisyo Hormarineed taasoo si weyn ay u dareemeen  Bulshada Soomaaliyeed , halka Dowada Imaaraadka ay heshiisyadooda Noqdeen kuwa Afka baarkii ah oo intooda badan aan Fulin marka Sooma moodid in Qadar ay ku Guuleysan rabto Siyaasaddii  Soomaaliya marka La fiiriyo  Dowlada imaaraadka.

Nin Odey ah oo mar aan ku Kulaney Goob ay Munaasabad ka socotey ayaa waxaa Weydiiyey sida uu u arko Faragelinta Dowladda imaaraadka , waxaana uu yiri “markii horey waan taageersanaa Imaaraadka Hase yeeshee Heshiishkii Guracnaa ee Dekeda Berbera ayaa taageeradeydii Imaaraadka kala Laabtey markii aan ogaadey in Shaqada ay qabanayaan  ay tahay mid loogu adeegyo  Dowlado kale  oo aysan ahayn mid loogu adeegayo  Wadamada Carabta iyo Soomaaliya  oo arrinta u egtahay “Qowda Maqashii waxna ha u qaban” waxaana kuu Xaqiijinayaa in Qadar ay ka dheereysey Imaaraadka Carabta  maadama aysan Muuqan Faragelinteeda,sidaa Darteed  aad baan u soo dhaweynayaa in Soomaaliya lagu tartamo oo wax la kala Faa’iido laakiin Ma dooneyno Dowla Dal kale Shaqaale u ah   waxaana leeyahay

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail:amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail:amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Tel 00252615532494

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -