Kursigii Fahad Yaasiin iyo kuraastii kale ee la hakiyay oo dib loogu laabanayo doorashadooda

Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federal ayaa go’aamiyey in dib loogu noqdo doorashada afar kursi oo horey guddiga doorashada u hakiyeen.

Qoraal kasoo baxay guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in habraacii loo maray kuraasta dib loogu noqonayo doorashadooda horey wax uga qaldameen.

Guddiga doorashada ayaa sheegay iyada oo la tixraacayo habraacii doorashadii 2016kii uu guddigu dib ka soo sheegi doono qabashada doorashada kuraastan, goorta iyo goobta lagu qaban doono.

Kuraastan dib loogu laabanayo doorashadooda waxaa ku jira kursigii loo doortay Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin , kuraasta kale ayaa ah kuwa lagu doortay Baydhabo.

- Advertisement -