Allbanaadir.com
NEWS

Israel oo duqeyn la beegsatay Taliyaha ciidanka Xuutiga

Israel ayaa la sheegay iney duqeyn ka fulisay dalka Yemen qeybaha ay joogaan kooxda Xuutiyiinta ee Iran taageerto

Bartilmaameedka weerarka ay Israa’iil ku qaaday Yemen, waxaa lagu sheegay inuu ahaa taliyaha u sarreya ciidanka Xuutiga Yemen, Maxamed Cumari, sida ay ku warramayaan warbaahinta Israa’iil oo sheegtay inay socoto xaqiijinta in bartilmaameedka lagu guuleystay.

Illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ay sii daayeen ciidanka Israa’iil oo la xiriira, weerarka ay Israa’iil ka geysatay gudaha Yemen in lagu dilay taliyihii guud ee ciidanka Xuutiyiinta, Maxamed Cabdul Kariim Ghumari.

Weerarka wuxuu ahaa mid si deg deg ah loo qaaday, taasoo ah calaamad muujinaysa in bartilmaameed muhiim ah la beegsaday, xilli aysan wali Israa’iil awood u yeelan inay ku dhawaaqdo beegsiga Ghumari.

Warbaahinta Axios oo xiganaysa mas’uul sare oo Israa’iili ah, iyadoo sheegaysa in Israel ay isku dayday inay disho hoggaamiyaha milatariga ee ugu sareeya Xuutiyiinta, balse hawlgalku wuxuu ku dhamaaday fashil, sida axios sheegatay

Related posts

Amar uu bixiyey Farmaajo oo la fuliyay & Xog cusub oo ku saabsan duqeyntii Villa Somalia

admin

Booliska DF oo qabtay rag hubeysan oo ku dhex jiray dibed baxayaashii Muqdisho (Akhriso)

Caydiid Ali

Meydka Sargaal katirsan Ciidanka Ilaalada Villa Somalia oo Caawa Hotel laga helay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---