(Akhriso) 10 qodob oo kaa saacidaya inaad iska ilaaliso Wararka been abuurka ah

Wararka been-abuurka ah waxay ku imaan karaan ku talagal iyo si aan kutalagal aheyn. Haddaad kaliya ogeyd in qof ama koox ay been abuur ka sameyn jirtey shaqsi ama koox iyo dano kale, hadda waxaa jira qof isagu been abuur iska sameynaya, isaga oo ujeedooyinka dhaqaale ama magac raadin ka leh.

Sida ku qoran diiwaanada taariikhda, sameynta wararka been abuurka ah, waxay soo bilaawdeen qarniyo badan ka hor dhalashada Nabi CS, waxaana iba furey siyaasiyiin ka soo jeedey Masaarida iyo Romaaniyiintii hore. Loolan ka dhaxeyey awgeed ayey isu adeegsadeen been abuuro kala duwan, kuwaas oo qaarkood saameyn ku yeeshey nolosha siyaasinta qaar iyo weliba qoysaskooda. Sidaas ayeyna sameynta wararka been abuurada ah ku noqotey dhaqan iyo caado ku dhex faafey bulshooyinka dunida.

Inkasta oo ay siyaasiyiintu bilaabeen sameynta wararka been-abuurka ah, haddana maanta kuma koobna iyaga oo waxaa iska been abuuraya lammaanaha, ganacsatada, aqoon yahanka, dhaqanka, culimada, iyo dhalinyarada. Sidoo kale, waxaa maanta been abuurada uga badan laga sameeyaa aabeyaashii bilaabey sameynta wararka been abuurka ah, siyaasiyiinta, waxaadna arkeysaa iyaga oo ka cabanaya warar laga sameeyey.

Ogaalkeyga, waxaan qirayaa in ay jireen, welina jiraan, shaqsiyaad dowladaha Somalia ka soo shaqeeyey, qaarkoodna weli ka shaqeeyaan, kuwaas oo dhaqaale ku bixiya si warar been abuur ah looga faafiyi shaqsiyaad kale oo ay siyaasadda ama dano kale isku hayaan.

Mararka qaar, ayaad arkeysaa madax shaqaalaha ka hooseeya ka sameynaya warar been abuur ah, welibana lacag ku bixinaya faafinta beentaas, iyaga oo ka leh ujeedooyin gaar ah.

Aniga shaqsi ahaan, maalin ayaan Baraha Warbaahinta Bulshada ku arkey, wiil dhalinyaro oo waxyaabo been-abuur iyo aflagaaddo isugu jira iga sheegaya. Xariir ayaan la sameeyey, aniga oo doonaya inaan u naseexeeyo, wuxuuse iigu jawaabey “Saaxiib howshaan biilka caruurta ayaan ka helaa ee ama lacag i sii ama khadka iiga bax!”

Hadalka wiilka marna waan ka naxay oo sida uu wax ku raadinayo ayaan ka yaabey, marna waan ku farxey haddiiba magaceyga caruur Soomaaliyeed lagu biilayo. Wiilkaas wuxuu ila wadaagey dadka lacagta ku siiyey iyo ujeedadooda!

Dunida, gaar ahaan, Africa, Asia, Koofurta America, iyo dalal Europe ah ayay caadi ka tahey sameynta wararka been abuurka ah, kuwaas oo lagu faafiyo waxqabad aan jirin oo dadka loo sheego, laguna bixiyo dhaqaale aad u badan. Africa ayaa laga helaa Hooyo harraad iyo gaajo geed hoostiis ku miir daboolan oo inta la toosiyo, iyada oo aan biyo lagu qaban loo sheego in dowladdeedii waddooyin, dekado, iyo guryo dhistey, hormar weynna dalkii gaarsiisey, kaddibna hooyadii aysacab aan is gaari karin sacbineyso.

Been abuurku waa camal shaydaan, waxaana lagu sameeyey dhammaan Ambiyadii Alle soo direy iyo dad badan wanaag lagu yaqaanney. Nabi Maxamed SCW iyo qoyskiisa ayaa laga faafiyey been-abuuro, ilaa uu xabeebkeenii CS dareemay xanuun badan, kuna sigtey qoys burbur, ilaa Qur’aan uu ka soo dagey, lana canaantey dadkii faafiyey iyo intii u dhaga nuglaatey (Xadiisul Ifki).

Been abuurku wuxuu dilaa sumcadda iyo kalsoonida qofka, wuxuu saameeyaa nolosha iyo danaha dadka ama kooxda laga sameeyey, wuxuu bulshooyinka ka dhex abuuraa kalsooni darro, kala shaki iyo naceyb keeni kara burbur bulsho.

Diinteenu waxay caddeyneyaa in been abuurku yahey wax xun oo caro iyo ciqaab Alle lagu mudan karo, adduunyo iyo aakhiraba, wacayna fareysaa in laga fogaado. Ceebaha dadka kale oo aad asturto ayaa lagu helaa ajar iyo in Alle adigana ceebahaaga asturo. Bal ka waran qofka ceeb been abuur ah qof kale ka sameeyey, kaddibna faafiyey?

Dhaqaale iyo waqti oo aad ku bixiso sameynta wararka been abuurka ah, waxay ka dhigan tahey inaad adigu tahey qofka sameynaya been abuurka. sidoo kale, dhaqaale oo aad ku bixiso si aan laguu been abuurin adiga, waxay dhiiragelineysaa sameynta iyo faafinta wararka been abuurka ah.

Si aad isaga ilaaliso faafinta wararka been abuurka ah, qaad tallaabooyinkaan marka aad xog aruurineyso ama aad warar sameyneyso:

1) Iska hubi isha warka

2) Iska hubi ujeedada laga leeyahey

3) Aqri guud ahan warka inta aadan qaadan cinwaanka oo kali ah

4) Ilo kale ka hubi xogta ku jirta warka

5) Iska hubi qofka leh warka

6) Taariikhda warka iska hubi

7) Hubi in dareenkaagu saameyn ku leeyahey warka aad qoreyso

9) Iska hubi wararka aad faafintooda lacagta ku bixineyso

10) Dhaqaale ha ku bixin joojinta been-abuur socda oo adiga iyo dad kale laga faafinayo.

Jooji waqtiga iyo lacagta aad ku bixineyso sameynta ama joojinta been-abuurka. Sidoo kale, jooji sii faafinta wararka been abuurka.

“Inta sheydaan jiro, been-abuur waa jirayaa”

Col. Mohamed Aden Kofi, Ph. D.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -