Allbanaadir.com
NEWS

Magaalooyinka Israel oo caawa gubanaya (Sawirro)

Iran ayaa garaacday Bakhaarada keydka ee dekeda Ammonia Haifa & bartamaha Talabib, waana Gantaalada guuxooda ka dheereeya ee balaastikada ah.

Gantaallada Iran, ayaa sidoo kale ku dhacay bartamaha magaalada Haifa  ee waqooyiga Israa’iil, oo la arkayo dabka iyo qiiqa ka dhashay goobaha ay gantaallada ku dhaceen.

Uuro ayaa cirka isku shareertay qaybo ka mid ah magaalada Haifa kaddib markii gantaalada caawa ku dhacay.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay 17 kalena ay ku dhaawacmeen magaalada Haifa, waxaana laga yaabaa inuu khasaaruhu kordho.

Israa’iil ayaa dhankeeda weerarro xooggan ka wada bartilmaameedyo lagu sheegay kuwa ‘xasaasi’ ah oo ku yaalla caasimadda Iran ee Tehran, xilli gantaallada Iran ay gudaha Israa’iil ka dhaliyeen dhimasho, dhaawac iyo burbur.

Idaacadda ciidanka Israel oo soo xiganaysa ilo Sirdoonka milatariga ayaa  sheegtay in la ogaaday  diyaargarowga Iiraan ee ku aaddan in  ay gantaallo dheeraad ah  soo ridi doonto caawa.

Sida Khabiirada amniga ay qabaan Weerarka caawa ayaa  noqon doona midkii ugu xumaa taariikhda caasimadaha Israel loo geysto waxaana laga baqayaa inuu horseedo isku dhac Gobolka oo Dhan ah.

Related posts

Isimada ku shirsan Laascaanood oo ka hor yimid dhexdhexaadinta Madaxweynaha Jabuuti

Caydiid Ali

Hoggaamiyaha RSF oo muddo kaddib soo hadlay farriin adagna diray

Cabdi Cade

Daawo: Cudud muujinta Mucaaradka & qatarta qarsoon ee ka dhalana karta!

Caydiid Ali
Taboola Ads ---