Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wasiirad Sumcad daro u keentay dalkeeda oo xilka laga qaaday kadibna la xiray !!

Wasiirka Ganacsiga, Gaadiidka, Warshadaha iyo Dalxiiska ee Burundi, Immaculée Ndabaneze, ayaa shaqada laga eryay kadibna xabsi la dhigay kadib markii lagu eedeeyay in sumcad daro u horseeday dalkeeda.

Immaculée Ndabaneze, ayaa lagu eedeeyay in dhaqaalaha dalka Brundi halis weyn galisay una horseeday dalkeeda sumcad daro, waxaa sidoo kale wasiiradan lagu eedeeyay in ay sameesay musuq maasuq.

Ciidamada dambi baarista dowlada Brundi ayaa mudo kooban xabsiga dhigay wasiiradan shaqada laga eryay kadibna sii daayay, waxaana hada ku socda baaritaano ku aadan eedeymaha loo soo jeediyay.

Fadeexada wasiirkii hore ee Wasaarada ganacsiga iyo gaadiidka dowlada Brundi heesata ayaa waxaa kamid ah iibka diyaarada oo ay laheyd shirkadda diyaaradaha ee Air Burundi, oo lagu iibiyay lacag aad u yar.

Diyaaradan ayaa la sheegay in la iibiyay intii u dhaxeysay bishii December ee sanadkii hore iyo horaanta bisha janaayo ee sanadkan, waxaana diyaarada qiimo aad u hooseeya looga iibiyay nin maalqabeen ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika.

Dalka Brundi ayaana si weyn looga hadal hayaa fadeexada kusoo baxday wasiiradan oo kamid aheyd siyaasiyiinta ugu saameynta badan dalkaasi, mana jiro ilaa hada wax jawaab ah ee fadeexadan ka bixisay Immaculée Ndabaneze.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Xasan Shiikh oo codsi rasmi ah u gudbiyey Shir-Madaxeedka dalalka EAC

Caydiid Ali

Faransiiska oo si cad u diiday inuu la baxo safiirkiisii laga eryey dalka Niger

Caydiid Ali
Taboola Ads ---