Allbanaadir.com
NEWS

Ajaaniib u dhalatay dalka Koonfur Afrika oo lagu dilay gudaha Soomaaliya

Dowlada Koonfur Afrika ayaa shaacisay in muwaadiniin dalkeeda u dhalatay lagu dilay gudaha Soomaaliya xili ay ku howlanaayeen tababarida ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya.

War kasoo baxay Wasaarada Arimaha Dibadda dowlada Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay in afar tababarayaal dalkaasi u dhashay lagu dilay maalintii jimcaha Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Afgooye.

Dagaalyahan Al Shabaab katirsan ayaa maalintii jimcaha weerar ismiidaamin gaari loo adeegsaday ku qaaday xero milatari ay degnaayeen ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa ay tababaraan dowlada Imaaraatka.

Al Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas ismiidaaminta ah ku dileen 80-askari oo katirsanaa kumaankooska Somalia iyo tababarayaal ciidan oo kasoo jeeda dalalka Imaaraatka Carabta iyo Koonfur Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

 

Related posts

Xildhibaan kamid noqonaya golaha Shacabka oo goordhaw la doortay (Sawirro)

Cabdi Cade

Masuuliyiin kormeeray Suuq Dagaal ku gubtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin ka cararay Isbitaal xili la doonayay in laga baaro xanuunka Caronavirus

Cabdi Cade
Taboola Ads ---