Allbanaadir.com
NEWS

Masuul Dowladeed oo ku kacay arrin dad badan la yaabeen oo xilka laga qaaday !

Warbaahinta dalka Hindiya ayaa si weyn u hadal heysa shaqo joojin lagu sameeyay masuul katirsanaa dowladda , kaa oo lagu eedeeyay in keyd biyo badan ku jireen u daadiyay si uu u helo telfoonkiisa oo uga dhacay.

Kormeeraha cuntada ee dawladda Hindiya Rajesh Vishwas, ayaa la sheegay in xilli uu sawir isaga qaadayay telfoonkiisa uu biyaha uga dhacay, waxa uuna masuulkan amray in biyaha keydka ahaa la daadiyo si loo helo moobeelkiisa.

Masuulkan ayaa la sheegay in uu amray in kayd dhan oo ay ku jiraan malaayiin litir oo biyo ah la soo saaro, kadib markii uu taleefoonkiisa Samsung uu uga dhacay mar uu iska qaadayay sawir Selfie ah.

Telfoonka Rajesh Vishwas ayey ku qaadatay muddo saddex maalin ah in la helo, waxaana markii la helay haddana dhacday nasiib darro aheyd in uu shaqeyn waayay uuna ciladoobay telfoonkii dartiis keydka biyaha badan loo daadiyay.

Dowladda Hindiya ayaana shaqada ka joojisay kormeeraha cuntada ee dalkaasi oo lagu eedeeyay in xilkiisa si khaldan u adeegsaday, ninkan ayaana ku andacooday in telfoonkiisa uu u ahaa muhiim ayna ku jireen xoggo badan oo xasaasi ah oo dowladdu laheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Darawal Mooto bajaaj oo lagu hor dilay mid ka mid ah saldhigyada Booliska Muqdisho

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse oo ka hadlay Dab Khasaaro geestay oo ka kacay Suuqa Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade

Waa Maxay faa’iidada ugu jirta dowlada Somalia qorshaha ay maanta ansixisay EU? (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---