Xildhibaanada Hawiye oo diiday kulan uu codsaday Madaxweyne Farmaajo iyo Sababta keentay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka codsaday Xildhibaanada beesha Hawiye kumatala Baarlamaanka federaalka Soomaaliya in habeen dambe ugu yimaadaan xarunta Madaxtooyada Soomaaliya si uu kulan gaar ah ula qaato.

Sida aan wararka ku heleyno inta badan Xildhibaanada Hawiye ayaa ka biyo diiday kulanka uu ka codsaday Madaxweyne Farmaajo, waxa ayna sheegeen  in aysan xiliga diyaar u aheyn la kulanka Madaxweyne Farmaajo.

Qaar kamid ah xildhibaanada ka biyo diiday la kulanka Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in aysan waxbo soo kordhineyn kulan been la isugu sheego, waxa ayna xuseen in Madaxweynaha kulan iyo la tashi looga baahnaa xili hore.

Xildhibaanada Hawiye Qaarkood gaar ahaan kuwa sida dhaw ugu xiran Madaxtooyada iyo kuwa rajo ka leh in ay kamid noqdaan xukuumada cusub ayaa wali wada dadaalo aan cago badan ku taagneyn ool agu hirgalinayo.kulankan uu codsay Madaxweynaha

Warar hoose aan helnay ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo lagu wargaliyay in Xildhibaanada Hawiye badankood ay diideen kulankiisa, waxaana la sheegay in Madaxweynaha go’aansaday in kulankaasi la baajiyo hadii xal kale la waayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaana la ogeyn ujeedka uu xiligan ka leeyahay la kulanka xildhibaanada Hawiye, waxaana xusid mudan in Madaxweynaha ku guul dareestay mudo 30-maalin in uu soo magacaabo Ra’isul Wasaare cusub.

Inta badan Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda beesha Hawiye ayaa ka biyo diidsan qorshaha Madaxweyne Farmaajo ku doonayo mudo kororsiga, waxa ayna sheegeen in aysan raali ka noqon doonin qorshaha Farmaajo ku riyoonayo.

Beesha Hawiye oo awood qeybi u leh xilak Ra’isul Wasaaraa Soomaaliya ayaa xiligan ka maqan saaxada awood qeybsiga dalka, waxaana booska Hawiye ee Ra’isul Wasaaraha ku sime kasii ah Mahdi Guuleed oo kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -