Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Meydka Haweeney la toogtay oo saakay lagu arkay Xaafad katirsan Muqdisho

Waxaa saakay xaafad katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir lagu arkay meydkeeda haweeney la toogtay, waxaana meydka haweeneydan saakay aroortii lagu arkay goob lasoo dhigay.

Dadka degan Xaafada Suuqa  Xirka dheere ee degmada Kaaraan ayaa saakay kusoo toosay meydka haweeney xaafadaasi lasoo dhigay, waxaana jirka haweeneyda la dilay ka muuqday rasaas lagu dhuftay.

Wali lama shaacin waxa ay aheyd haweeneyda la dilay ee lasoo dhigay degmada Kaaraan, waxaa sidoo kale wali raadkooda aan la helin dadkii ka dambeeyay dilkaasi oo dad badan argagax ku beeray,

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa saakay tagay goobta lasoo dhigay meydka haweeneyda la toogtay, waxa ayna saraakiisha booliiska sheegeen in baaritaan lagu sameenayo meydka haweeneyda la dilay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Muqdisho oo loo sameenayo biyo mareeno si toos ah biyaha Roobka ugu shubaya Badda (Sawirro)

Cabdi Cade

Booliska DF oo sheegay iney qabteen askari darawal bajaajle ku toogtay Muqdisho

Caydiid Ali

Wasiir Xasan Macalin oo ka qeybgalay Shir aan Caadi aheyn oo ka dhacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---