Ciidamada amaanka oo Muqdisho ku qabtay nin gaadiidka Qaraxyada ku xiri jiray

Ciidamada amaanka ayaa howlgal ay shalay ka sameeyeen xaafad katirsan magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen nin la sheegay in uu katirsanaa dagaalyahanada Al Shabaab.

Wakaalada Wararka u faafisa dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ninkan laamaha amaanka gacanta kusoo dhigeen uu Al Shabaab u qaabilsanaa in uu baabuurta  xiro qaraxyada.

Sida ay baahisay Wakaalada Sonna Ciidamada ayaa daba socday xogo sirdoon oo ay ka heleen ilo muhiim u ah taas oo suurta galisay qabashada ninkan uu ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Howlgalka ciidamada amaanka kusoo qabteen ninkan la tuhmayo ayaa la sheegay in uu u dhacay sidii loogu tala galay iyada oon wax khasaaro ah ka dhalan, waxaana howlgalkan uu socday mudo saacado ah.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa marar badan shaaciyay in gacanta ku dhigeen xubno katirsan Al Shabaab , lamana soo bandhigo inta badan sawirada iyo magacyada xubnahan howlgalada qarsoon lagu qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -