Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Farmaajo oo shir isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyada iyo xiliga uu …

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa shir isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyada dalka , shirkan ayaana la filayaa in uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Shirkan Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray Madaxda maamul goboleedyada ayaa inta uu socdo looga hadli doonaa arimo khuseeya amaanka Qaranka iyo sidii guul looga gaari lahaa dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Sida qorshuhu yahay shirkan ayaa la filayaa in uu ka furmo magaalada Muqdisho 19-ka bishan April, waxaana shirka uu socon doonaa dhowr maalmood oo laga doodi doono arimo badan oo dhinaca amaanka ah.

Shirkan ayaan la ogeyn sida uu u qabsoomi doono maadaama marar hore baaqdeen shirar horey loo shaaciyay, waxaana casuumada shirkan oo loo diray Madaxda maamul goboleedyada ayaan la ogeyn jawaabta ay ka bixiyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Prof. Saciid Ciise: “Wasiir Doodishe wuxuu mudan yahay in lagu abaalmariyo..”

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Khayre oo komeer kedis ah ku tagay garoonka Aadan cadde (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho oo garab siiyay Qoys la damcay in Gurigooda xoog looga saaro (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---