Allbanaadir.com
NEWS

Muqdisho oo loo sameenayo biyo mareeno si toos ah biyaha Roobka ugu shubaya Badda (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray qaar kamid Wadooyinka Caasimadda oo ay ka socdaan howla dib loogu abuuraya gooba Biya mareen ah oo loogu talagalay in ay si toos ah ugu shubaan Bada.

Qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa buux dhaafiyay biyo badan oo roobku dhigay, mana lahan laamiyada Muqdisho biyo mareeno biyaha ku shuba badda.

Cumar Filish ayaa kormeeray wadooyin uu socday howl dib udhis ah oo Wadooyinka loogu Sameynayay Tubooyinka biyaha qaada kuwaas oo si toos ah ugu shubi doona Badda, si looga gudbo caqabadaha ay Roobka u geestaan isku socodka Caadimadda iyo Bilicda.

Wadooyinka uu kormeeray Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa kamid ahaa.

1- Wadada Buundooyinka, oo ay ka socotay howla dayactir ah.
2- Wadada hormarta Xarunta Taliska qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidan boliiska Soomaaliyeed ee tagta isgooska Afarta Darjiin.
3- Warta KM-4 oo ay ka socotay howla biyaha looga qaadaye.
4- Wadada Buula Xubeey ee degmada Wadajir.

Related posts

Sacuudiga & dalal kale oo ku dhawaaqay iney beri tahay Ciid

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo saakay Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhaxe iyo sare (Sawirro)

Cabdi Cade

Xog cusub oo laga soo saaray Khasaaraha qaraxii Ex-Control & gurmadka socda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---