Aas & baroordiiq loo sameeyey Muslimiintii lagu laayey New Zealand (Daawo Sawirro)

Dadkii Muslimiinta ahaa ee todobaad ka hor lagu laayay laba Masjid oo ku yaalla Magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa aas qaran loo sameeyey.

Salaadda Jinaasada oo ka dhacday Masjidka Al-Nuur oo ka mid ah goobihii lagu laayay 50-ka Muslimiinta ahaa ayaa waxaa ka qeyb galay dad ku dhow 20,000 kun oo qof oo isaga kala yimid daafaha caalamka.

Sidoo kale aaska iyo ducada loo sameeyay dadkaasi ayaa waxaa ka qeyb gashay Madax ay ugu horreyso Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Jacinda Ardern iyadoo Muddo Laba Daqiiqo ah loo aamusay  Dadkii halkaasi ku geeriyooday.

Dinaca kale, waxaa Maanta markii ugu horreysay Salaadda Jimacaha lagu tukaday Labadii Masjid ee ay Todobaad ka hor dadka lagu laayey ee Linwood iyo Al-Nuur, halkaasoo loogu duceeyay 50-kii Qof ee halkaasi ku shahiiday.

Toogashadii ka dhacday Masaajido ku yaallo dalka New Zealand ka dib talaabooyinka ay qaaday Haweeneyda Ra’isal Wasaaraha ka ah dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa si weyn u soo jiitay caalamka Islaamka.

Waxay muujisay iney ka xun tahay dhibaatda loo geystay Muslimiinta Salaada Jimcaha dukanaayay, waxay booqatay murugada iyo dareenkana la qeybsatay ehelada dadkii la laayay.

Waxay soo saartay amaro iyo go’aano ay ugu hiilineyso kuna garab istaageyso muslimiinta.

Waxay amartay in maanta oo Jimce dadka reer New Zealand dhamaantood ay Xijaabka xirtaan, Aadaanka Salaada iyo Quraanka Kariimkana laga sii daayo Warbaahinta New Zealand, iyadoo amarkaas si weyn loogu hogaansamay.

“Xirta Xijaabkiina Annaguna waan idinla xiraneynaa, dhamaaan waxaan faraya dadka reer New Zealand in ay qaataan Xijaabka Shareecada Islaamka Maalinka Jimcaha INSHA ALLAH, waxayna jawaaab u tahay dadka doonaya inay la dagaalamaan Shareecada islaamka oo nakala qeybiyaan, waxaan nahay dhamaanteen mid waana sii ahaan doonnaa”. ayay tiri.

Raa’iisal Wasarahaa dalkaasi Jacinda Ardern ayaa kumanaan Muslimiin ah u raacday Masaajidka Al-Nuur  waxayna akhrisay Xadiiskii Nebiga SCW ee wadajirka Muslimiinta ee ahaa “Wadajirka Muslimiinta iyo isu naxariisashadoodu waxay ka dhigan tahay sida jir kaliya”.

Sidoo kale TV-yada iyo Idaacadaha dalka New Zealand ayaa si toos ah loogu baahinayay Aadanka Salaadda iyo quraanka Kariimka ka dib amar ka soo baxay Haweeneyda Ra’isal Wasaaraha ah.

Waxaa sidoo kale madaxa asturtay dhamaan haweenka ka shaqeeya TV-ga dalka New Zealand oo xirtay xijaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -