Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii u dambeeyey dagaalka India & Pakistan (Sawirro)

Ra’isul Wasaaraha dalka Pakistan Shehbaz Sharif ayaa sheegay in Pakistan ay ka jawaabeyso weerarrada India.

Qoraal uu soo dhigay barta X, ayuu Sharif ku cambaareeyay weerarka isagoo ku tilmaamay “fal dagaal ah.” oo mudan in jawaab adag laga bixiyo.

“Pakistan si adag ayay u weerarri doontaa Hindiya .. xaq ayaan u leenahay inan jawaab adag ka bixino weerarka Hindiya.” ayuu yiri RW Pakistan

Hadalkan ayaa yimid wax yar ka dib markii caawa ay India  saddex gantaal ku dhufatay goobo ku yaalla gobollada Kashmir iyo Punjab, waxaana mid ka mid ah gantaaladan uu beegsaday garoonkii hore ee diyaaradaha ee Muzaffarabad, oo ku yaalla qaybta Kashmir ee ay Pakistan maamusho.

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay inay billowday hawlgal ay ku beegsaneyso waxa ay ugu yeertay “kaabayaasha argagixisada” ee ku sugan Pakistan iyo Jammu & Kashmir. Waxay intaa ku dartay in ciidamadeedu ay duqeeyeen 9 goobood oo Pakistan leedahay.

Sidoo kale, dowladda Hindiya waxay sheegtay in hawlgalku uu ahaa “mid bartilmaameedsan, si wanaagsan loo qorsheeyay, isla markaana aan kor u sii kicin xaaladda”, iyadoo xustay inaysan beegsan wax xarumo milatari ah oo Pakistan leedahay.

Dhankeeda, Pakistan soo riday labo diyaaradood ee kuwa dagaalka ee Hindiya oo lagu sheegay inay ahaayeen Rafale, mid kasta oo ka mid ah waxay joogtaa $288 milyan.

Milatariga Pakistan waxay sidoo kale qarxiyeen labo saldhig oo u shaqeynayay sida xarumo dhexe oo milatari.

Ciidanka xadduudka jooga ee Pakistan ayaa iyana si dhammeystiran madaafiic ugu weerarray xarumaha milatariga ee Hindiya ay ku leedahay xadka, waxaana wali qaraxyo laga maqlaya saldhigyada ciidanka xadduuda ee Hindiya.

Booliiska Hindiya, ayaa xaqiijiyay inay ciidanka Pakistan madaafiic ku garaaceen deegaannada gobolka Kashmir ee Hindiya ay maamusho, halkaasoo ay sheegeen inay dad ku dhaawacmeen, kuwaasoo qaarkood qaba dhaawacyo culus.

Madaxweyne Trump iyo Xoghayaha guud ee QM ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo, waxayna xuseen in xiligan caalamku uusan xamili karin dagaal kale.

Hindiya , waxay la xiriirtay kaddib weerarkii ay ku qaaday Pakistan ; Mareykanka, Ingiriiska, Sacuudiga, Imaaraadka iyo Ruushka , si ay warbixin uga siiyaan in weerarka ay ku qaadeen Pakistan uu ahaa mid xaddidan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA DUQEYMAHA KA DHACAY PAKISTAN IYO DAYUURAD INDIA LAGA SOO RIDAY

Related posts

Taliye Indha-qarshe oo fariin dhab ka hadal ah u diray kooxda Al-Shabaab

Caydiid Ali

Qorshe Howlleedka Maamulka G/Banaadir ee 2019 oo la meel mariyay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xassan Shiikh iyo wafdi uu horkacayo oo caawa gaaray Nairobi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---