Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tacshiirad la isku weydaarsaday Muqdisho oo dhimasho & dhaawac sababtay

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan tacshiirad xalay la isku weydaarsaday nawaaxiga isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho taasoo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Israsaaseynta ayaa dhexmartay ciidamada amniga dowladda iyo gaari ay la socdeen dabley hubeysan oo diiday inuu istaago bar Koontarool.

Ciidamada ayaa rasaas ku furay gaarigan oo jiiray goobta ay ku hubiyaan baabuurta ee Isgoyska Siinaay, iyadoo gaarigaasi uu rasaas kale ku jawaabay, taasoo keentay in goobta oo mashquul ahayd lagu kala cararro.

Israsaaseyntan ayaa la sheegay inuu ku dhintay hal qof halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen, waxayna dadkani iskugu jireen dhinacyadii is fara saaray iyo shacab goobta ka dhowaa.

Lama oga illaa hadda waxa ay ahaayeen dableyda weerarka soo qaaday balse ciidamo dheeraad ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa xalay la geeyey goobtaas kuwaasoo illaa saaka halkaas lagu arkayo, saraaakiisha laamaha amnigana wax war ah kama soo saarin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Faysal Waraabe oo codsi ka dhan ah Soomaaliya diray

Cabdi Cade

Ururka Dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo soo saaray War cabsi ku beeray dadka Muqdisho

Cabdi Cade

Taiwan oo Haaf Milyan Dollar ugu deeqday maamulka Somaliland (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---