Allbanaadir.com
NEWS

Ciro oo soo saaray labo Wareegto oo lagu dhaqan gelinayo..

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 18/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/GW/081-040/012025 uu ku Dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr. 108/2024;

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr. 108/2024;

Markii aan arkay:  Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay:  Qoddobka 76aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay:  Qoddobka 38aad, faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan helay:  Go’aanka Ansixinta Golaha Wakiillada (Go’aan Lr; GW/KF-10/30/2024) ee summaddiisu tahay Ref; GW/G/10/376/2024, kuna taariikhaysan 30/12/2024, laguna ansixiyay Xeerka Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr. 108/2024;

Waxa aan Soo-saaray;

Wareegtadan oo lagu faafinayo Dhaqan-galka Xeerka Hay`adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr. 108/2025.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 18/01/2024 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/GW/081-039/012025 uu ku Dhaqan-gal geliyey Xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, Xeer Lr. 89/2024.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Dhaqan-galka Xeerka Xafiiska Garyaqaanka Guud

ee Xukuumadda, Xeer Lr. 89/2024,

Markii aan arkay:  Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay:  Qoddobka 76aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan arkay:  Qoddobka 38aad, faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan helay:  Go’aanka Ansixinta Golaha Wakiillada (Go’aan Lr; GW/KF-10/29/2024) ee summaddiisu tahay Ref; GW/G/10/376/2024, kuna taariikhaysan 30/12/2024, Xeerka Garyaqaanka Guud ee Somaliland, Xeer Lr. 89/2024;

Waxa aan Soo-saaray;

Wareegtadan oo lagu faafinayo Dhaqan-galka Xeerka Garyaqaanka Guud ee Xukuumadda, Xeer Lr. 89/2024.

Related posts

Madaxweyne Xasan oo shaaciyay waxa laga faa’iidayo Sahminta Shidaalka Soomaaliya

Cabdi Cade

Dad badan oo ku dhintay Isbuurasho ka dhacday Aaskii Suleimani (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Su’aalo laga keenay qaabka uu u dhaawacmay Ciyaaryahanka caanka ah ee Max’ed Saalax (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---