Iska horimaad khasaare nafeed geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowlada Somalia ayaa maanta ku dagaalamay magaalada Muqdisho, khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaana ka dhashay.

Iska horimaadka oo ahaa mid xooggan ayaa ka dhacay degmada Hodan gaar ahaan agagaarka Ex-xaruntii hore ee Isbitaalka Deva oo u dhow Warshadii hore ee Coca cola.

Ciidamada isfara saaray oo u qeybsanaa boolis iyo milateri ayaa isku adeegsaday rasaas ka dhaceysay qoryaha darandooriga u dhaca oo laga maqlay xaafado badan, iyadoo socodka dadka iyo gaadiidka ee goobtaas uu joogsaday.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada dagaalamay ay u abaabulnaayeen qaab beeleed, dagaalka dhexmarayna uu salka ku hayo muran muddo dheer soo jiitamayey oo la xiriira dhul halkaas ku yaalla.

Xaalada ayaa hadda degan, tirakoob sax ahna lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo aysan weli ka hadlin maamulka iyo saraakiisha amniga ee degmada Hodan iyo kuwa dowlada Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -