Farmaajo oo faahfaahiyey ujeedada laga leeyahay iskaashiga dalalka geeska Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Mar kale faahfaahin ka bixiyay iskaashiga dalalka Geeska Afrika qaarkood Bulshadda ay fasiraado kala duwan ka bixiyeen.

Farmaajo oo ka hadlayey kulan uu jaaliyada Soomaalida kula qaatay magaalada Roma ayaa intaas ku daray in Soomaaliya ay dani ugu jirto Isbellada ka socda Geeska Afrika sababtana ay tahay inay doonayso in la tixgaliyo madaxbanaanideeda, maadaama ay tixgaliso dalalka Afrika.

Madaxweynaha waxaa uu tilmaamay in Soomaaliya ay kaga horreyso dalalka geeska dhanka ganacsiga, islamarkaana ay waacusub ay u furi doonto dalalka Itoobiya iyo Eritreia.

“Dalalka geeska Afrika qaarkood waxay horey Somalia ugu soo tababareen ciidamo badan, amaguna taas bedeledkeed waxaan bareynaa ganacsiga oo aan wax badan kaga horeyno” ayuu yiri Farmaajo.

Waxaa uu xusay in tan ugu weyn Isbedallada Geeska Afrika ay Soomaaliya ka faa’idi doonto ay tahay in si wanaagsan loola dhaqmo oo la tixgaliyo Horumarkeeda dhinac walba.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -