Pakistan waxay soo riday labo diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee ciidanka Hindiya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Reuters, oo xiganaysa afhayeenka milatariga Pakistan, oo horey u xaqiijiyay inay ciidanka Pakistan soo rideen labo diyaaradood ee kuwa dagaal Hindiya.
Tirada dayuuradaha ay Pakistan ka soo riday India ayaa waxay tani ka dhigeysaa 4 diyaaradood oo isugu jira; Labo diyaaradood ee kuwa dagaal ee Rafale iyo labo diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn, xilli ay Pakistan sheegayso inay diyaarinayaan jawaabta weerarka ay Hindiya u adeegsatay labada gantaal ee ku dhacay labo masjid oo ku yaalla gobolka Punjab ee Pakistan.
Dhinaca kale, Qarax ayaa laga maqlay magaalada Srinagar ee ka tirsan Kashmir qeybta ay Hindiya maamusho, sida ay dad goob joogayaal ah u sheegeen CNN.
Ilaa hadda lama oga sababta ka dambeysay qaraxa.
Srinagar waa magaalada ugu weyn Kashmir ee Hindiya maamusho.
Wararka ku saabsan qaraxan ayaa imaanaya kadib markii Hindiya ay bilowday howlgal milateri oo ka dhan ah Pakistan, iyadoo ay sii xoogeysatay xiisadda u dhaxeysa labada dal ee deriska ah, kadib xasuuq loo geystay dad dalxiisayaal ah oo ku sugnaa gudaha gobolka Kashmiir ee ay Hindiya maamusho.
Hindiya iyo Pakistan ayaa mid walbaa ka taliya qaybo ka mid ah Kashmir laakiin si buuxda ayuu u sheegtaa waxayna ku dagaalameen saddex dagaal oo dhulkaas ah. Kashmir waa mid ka mid ah meelaha ugu militariga badan adduunka.
Weeraradii caawa ee India ay qaaday ayaa noqonaya falkii militari ee ugu muhiimsanaa tan iyo 2019, markii diyaaradaha Hindiya ay duqeymo cirka ah ku qaadeen dhowr bartilmaameed oo gudaha Pakistan ah.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay weerarradii ay India ku qaaday goobaha ku yaal Pakistan, wuxuuna ku tilmaamay “nasiib darro” isagoo wariyeyaasha ku sugan Aqalka Cad u sheegay inuu rajaynayo in dagaalku “si dhakhso ah ku dhammaado.”
Trump wuxuu intaas ku daray: “Waxaan filayaa in dadku ay ogayeen in wax dhici doonaan, iyadoo lagu saleynayo waxyaabihii hore u dhacay.”