Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aqalka sare oo ku dhawaaqay inuu hakiyey wada shaqeyntii Golaha shacabka (Akhriso)

Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa hakiyey wada-shaqeyntii kala dhaxeysay Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya, iyadoo sabab looga dhigay in Golaha shacabka baal maray hannaankii wada-shaqeynta.

Go’aan ka soo baxay Guddoonka Aqalka Sare ayaa lagu sheegay inay hakiyeen wadashaqeyntii Aqalka Sare la lahaa Golaha Shacabka inta xal laga gaarayo arrimaha dhex yaalla labada Gole ee Baarlamaanka.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Baarlamaanka uu Aqalka Sare u soo gudbin waayey Miisaaniyadda 2019 oo toos loogu diray Madaxweynaha Soomaaliya oo isna saxiixay habeenkii 31-ka Disembar 2018.

Aqalka Sare ayaa olole weyn muddo laba sano ugu jiray inuu qeyb noqdo ansixinta Miisaaniyadda oo aan ka mid ahayn arrimaha loo xil saaray, wuxuuna sanadkii 2017 ansixiyey qaraar ay awood isu siiyeen ka doodista iyo ansixinta miisaaniyadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiikh Shaakir oo la kulmay Wasiiradii Galmudug ee xiligoodu dhamaaday (Sawirro)

Caydiid Ali

Xubno katirsan Al Shabaab oo magaalada Muqdisho lagu qabtay iyaga iyo hubkooda

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo ka hadashay walaaca laga qabo cudurka Ebola ee ka dilaacay Ugandha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---