Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Ciidanka asluubta oo gaaray Doha, lana kulmay Mohamed Al-Cuteymi (Daawo Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya S/Guud Bashiir Mohamed Jaamax oo booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa maanta magaalada Doha kula kulmay Taliyaha xabsiyadda dowladda Qatar Mohamed Sa’ud Al-Cuteymi.

Labada Taliye waxay ka wada hadleen Xoojinta Xiriirka ka dhaxeeya, sidii dowlada Qatar uga qeyb qaadan lahayd dib u dhiska xabsiyadda dalka iyo Horumarintooda, qalabeynta ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, dayactirka Xarumaha agoonta iyo arrimo kale.

Maxamed Sacuud Al-Cuteymi ayaa ku amaanay taliska ciidanka asluubta Soomaaliyed dedaalka ay ugu jiraan hagaajinta nidaamka xabsiyada dalka wuxuuna balan-qaaday iney taageero dhinacyo badan leh siin doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada magaalada Garawe iyo wafuud kusii jeeda

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Weerar Qarax ku bilowday ku qaaday Saldhig ay joogaan Ciidamo Mareykan ah

Cabdi Cade

Dowladda Turkiga oo go’aan lama filaan ah ka qaadatay Kiiska dilkii Jamal Khashoqji

Cabdi Cade
Taboola Ads ---