Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Macalin wax ka dhigayey dugsi Quraan oo lagu hor dilay caruurtii uu wax barayey

Nin Macalin ka ahaa dugsi caruurta lagu baro Quraanka kariimka ayaa maanta lagu dilay Magaalada Muqdisho.

Rag bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay iney galeen dugsiga oo ku yaalla xaafada buundada Anzalooti ee degmada Waaberi, iyagoo ka dibna caruurtii dugsiga dhiganaysay ku hor dilay macalinkoodii.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dableyda hubeysan ay goobta ka baxsadeen markii ay dileen macalinka oo ahaa nin caan ka ah degaanka oo magaciisa lagu soo koobay Macalin Mukhtaar.

Ciidamada amaanka ayaa goobtaas gaaray, waxaana dilkan ka xumaaday dadka degaanka oo si weyn u garanayey macalinka wax bari jiray caruurtooda oo muddo dheer fadhiyey dugsiga lagu dhex dilay.

Lama oga illaa hadda sababta loo dilay macalinka, mana jirto illaa hadda cid sheegatay, waxaana falkani uu qeyb ka yahay falalka amni darada ah ee ka jira Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Qarax aad u xooggan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Nabadoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

DEG DEG: Madaafiic lagu weeraray Garoonka Aadan Cabdulle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---