Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nabadoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Nabadoon Geesey Cismaan oo ka mid ahaa waxgaradka gobolka Banaadir ayaa galabta lagu dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Benaadir

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa la soo sheegayaa iney nabadoonka rasaas ku fureen wax yar ka dib markii uu ka soo baxay masaajid ku yaalla xaafada Fagax oo uu ku soo tukaday

Dableydii geysatay dilka ayaa ka baxsaday goobta sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah oo xaafadaas ku sugna.

Ciidamada Booliska saldhiga Yaaqshiid ayaa bilaabay howlgalo lagu baadi goobayo kooxda dilka geysatay inkastoo aysan ku guuleysan.

Al-shabaab oo la aaminsan yahay iney falkan ka dambeysay ayaa mudooyinkan xoojisay qaraxyada iyo dilalka ay ka geysato magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Gudoomiyaha Aqalka sare oo amray in la joojiyo Shir ka dhacaya Baydhabo iyo Khilaaf soo shaac baxay

admin

Siyaasiyiin caan ah oo qoraal xasaasi ah u diray Madaxweyne Xassan Shiikh (Akhriso)

Caydiid Ali

Buundo ay ka gudbeen Al shabaabkii weeraray Sh/dhexe oo la burburiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---