Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiiro & Saraakiil ku baxay ciidamadii saaka ka soo baxay degaano ka tirsan Sh/dhexe

Wasiiro iyo Saraakiil ka tirsan dowlada Somalia ayaa ku baxay ciidamadii saaka soo baneeyey degaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe oo haatan ku sugan saldhiga Hiilweyne ee nawaaxiga degmada Balcad.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya Wasiirka amniga xukuumada Somalia iyo abaanduulaha ciidanka xoogga dalka, iyadoo wararku sheegayaan in Madaxweynaha Somalia uu u diray iney soo xaliyaan cabashada ciidanka.

Xubnaha wafdigan ayaa isku dayaya iney ku qanciyaan ciidamada dib iney ugu laabtaan degaanadii ay ka soo baxeen oo ay ka mid yihiin Mahadaay, Qalimow iyo meelo kale.

Ciidamadan ayaa sheegay iney mushahar la’aan dhowr bilood soojiitameysay awgeed uga soo baxeen degaanada ay soo faarujiyeen.

Wasaarada gaashaandhiga ayaa horey u sheegtay ineysan jirin mushahar la’aan balse ay jiraan dib u dhacyo ku yimid bixinta mushaharka ciidamada sababo la xiriira diiwaan gelin iyo xaqiijin ku socota ciidamada qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cafis Madaxweyne oo loo fidiyay in ka badan Sadex Boqol oo Maxaabiis ah

Cabdi Cade

(Akhriso) Wasaaradda Cadaaalada dowlada Somalia oo digniin culus soo saartay

Caydiid Ali

Beesha caalamka oo War ka soo saartay walaaca laga muujinayo doorashada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---