Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Gudoomiye cusub oo loo magacaabay Mid kamid ah Degmooyinka Muqdisho

Wareegto kasoo baxday Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa loogu magacaabay Cabduqaadir Maxamed Carab in uu noqdo Gudoomiyaha cusub ee degmada Xamar Weyne.

Degmada Xamar Weyne ayaa mudo dhowr bilood ah laheyn wax Gudoomiyde ah kadib markii xilka laga qaaday Gudoomiyihii hore ee degmadaasi Cumar Shariif Jeeg sidoo kale xabsi la dhigay.

Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir  ayaa horey Gudoomiye uga soo noqday  degmooyinka Xamar Weyne iyo Shangaani, waxa uu sidoo kale hada kamid ahaa shaqaalaha sare ee maamulka gobolka Banaadir.

Degmada Shangaani ee gobolka Banaadir ayaa hada ah degmada kaliya aan laheyn Gudoomiye, waxaana xilka laga qaaday Gudoomiyihii degmadaasi kadib maalmo yar un uu xilkaasi hayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Boqortooyada Sacuudiga oo Ajaaniibta ka joojisay in Cumro u yimaadaan dalkeeda

Cabdi Cade

Xaaf oo la sheegay in uu wado abaabul dagaal uu ku weerarayo magaalada Cadaado

Cabdi Cade

Gaas oo si kulul u weeraray xubnaha Puntland ugu jira aqalka sare oo ay ka mid yihiin Faroole & Cumar C/rashiid

Caydiid Ali
Taboola Ads ---