Boqortooyada Sacuudiga oo Ajaaniibta ka joojisay in Cumro u yimaadaan dalkeeda

Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo saartay amar ajaaniibta looga mamnuucayo in cumro u yimaadaan dhulka Barakeesan xili uu qaar kamid ah wadamada caalamka uu ku faafayo cudurka halista ee Caronavirus.

Malaayiin muslimiin ah ayaa sanad kasta Sacuudiga u taga in ay soo cimreestaan, waxaana inta badan dadka cimrada u taga Sacuudiga ay dalkaasi tagaan marka la gaaro Bisha Ramadaan oo hada ay ka dhiman tahay wax ka yar 2-bil.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka cabsi qabta in dalkeeda soo gaaro cudurka halista ah ee Caronavirus, waxaana Sacuudiga si gaar ah dalkeeda uga mamnucday wadamada laga helay cudurkaasi.

Qaar kamid ah wadamada caalamka ayaa gaaray cudurka Caronavirus uu markii ugu horeeyay ka dilaacay dalka Shiinaha, waxaana hada laga cabsi qabaa in cudurkaasi uu gaaro wadamo hor leh oo caalamka kuyaal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -