Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Abiy oo safarkii ugu horeeyay ku tagay dalka Qadar (Daawo Sawirada)

Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maanta safar ku tagay magaalada Doha ee caasimada dalka Qadar, waxa uuna dalkaasi kula kulmi doonaa Amiirka dalka Qadar iyo Masuuliyiin kale.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Doha waxaa kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaare Abiy Axmed Wasiiro katirsan dowlada Qadar iyo Masuuliyiin kale, waxaana Abiy loo galbiyay Hotel gaar ah oo loo diyaariyay.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa kulamo gaar ah la qaadan doona Amiirka dalka Qadar, waxaana labada masuul ay kawada hadli doonaan arimo dhowr ah ay kamid tahay xoojinta xiriirka labada dal.

Safarkan uu ku tagay Ra’isul Wasaare Abiy ku tagay dalka Qadar ayaa noqonaya kii ugu horeeyay uu dalkaasi ku tago tan iyo markii xilka uu qabtay, waxa uuna horey dhoor mar booqasho ugu tagay dalalka Imaaraadka iyo Sacuudiga oo xiriirka u jaray Qadar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka & Taliban oo qarka u saaran iney galaan heshiis ka careysiinaya Mareykanka

Caydiid Ali

Sheekh Shariif oo arimo Xasaasi ah ka hadlay Fariina u diray Shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

In ka badan 300 oo Arday oo maanta ka qalin Jabisay Jaamacadda Jamhuuriya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---