Wasaarada Arimaha Gudaha oo qabatay kulanka Wadatashiga Asteynta Awoodaha Heerarka Dowladda (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay kulanka Wadatashiga Asteynta Awoodaha Heerarka Dowladda, kaasi oo socon doona mudo sedex cisho ah oo ka bilaabaneyso 19 illaa 21-ka bishan March 2019, waxaana shirka soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u hishiisiinta Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa goob joobjoog ka ahaa Wasiirka, Wasiir ku xigeenka iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u hishiisiinta, Sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqadda & Arrimaha Bulshadda, Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka, Guddiga Xuduudaha & Federaalka, Ururada bulshada Rayidka, maamulka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib u hishiisiinta Soomaaliya mudane Eng. Cabdi Maxamed Sabriye oo daah furay shirka ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay in laga talageliyo bulshadda Soomaaliyeed wadaagista awooda heerarka dowladda Federaalka, waxaana wasiirku ka codsaday dhamaan ka soo qeybgalayaasha in ay ka tala ka bixiyaan awoodaha ama mas’uuliyadaha ugu haboon oo ay kala lahaan doonaan heerarka dowladda, ha ahaado heer Federal ama heer dowlad goboleed.

“Waxaa la idin horkeeni doonaa oo aad ka shaqeyn doontaan, talana ka bixin doontaan “Waa maxay awoodaha ama mas’uuliyadaha ugu haboon ee loo xil-saarayo heerarka dowladda- ha ahaado heer Federal ama heer Dowlad Goboleed” Sidaas waxaa yiri Wasiir Eng. Sabriye

Gunaanadka Shirkan ayaa lagu wadaa in la soo saaro natiijada talabixinta ka soo qeyb-galayaasha ee ku aadan awoodaha ama mas’uuliyadaha ugu haboon oo ay kala yeelan karaan heerarka dowladda, (heer Federal & heer Dowlad Goboleed).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -