Allbanaadir.com
NEWS

Xaaf oo la sheegay in uu wado abaabul dagaal uu ku weerarayo magaalada Cadaado

War Saxaafadeed goordhaw kasoo baxday Madaxda Galmudug garabka ku sugan magaalada Cadaado ayaa looga hadlay shirka Amiga Qaranka ee goordhaw ka furmay magaalada Baydhabo.

Qoraalka kasoo baxay Madaxda Galmudug garabka Cadaado ayaa lagu sheegay in shirka Amniga Qaranka ee ka furmay magaalada Baydhabo in aysan ku matalin Madaxweyne Xaaf iyo xubnaha la socda.

Waxaa sidoo kale Qoraalkan lagu sheegay Madaxweynaha Galmudug Xaaf iyo xubnaha ku fikirka ah ay wadaan abaabul dagaal ay ku doonayaan in ay ku weeraraan magaalooyin iyo deegaano nabdoon oo kamid ah Galmudug oo loola jeedo Cadaado iyo deegaano kale.

Magaalada Cadaado waxaa hada ku sugan Wasiiro iyo Xildhibaano ay hogaaminayaan Madaxweyne kuxigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Macron oo ka hadlay sida uu dareemay markii Dharbaaxada lagu dhuftay !

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo furay Shirka xogsiinta iyo howlgelinta Golaha cusub ee Xukuumadda

Cabdi Cade

Maxkamadda sare ee Mareykanka oo go’aamisay baaritaan ka dhan ah Trump

Caydiid Ali
Taboola Ads ---