Booliska Puntland Taliska Qeybta Gobolka Karkaar ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Cismaan Maxamuud Cismaan oo loo haysto fal dil ah oo xalay ka dhacay magaalada Qardho.
Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Sakariye Ciise, da’diisuna lagu qiyaasay 19 sano jir, ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay mid ka mid ah xaafadaha magaalada, iyadoo loo adeegsaday toorey. Marxuumka ayaa loola cararay Isbitaalka Guud ee Qardho, balse waxaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday sababo la xiriira dhaawacyada.
Markii uu dhacay falkani, Ciidanka Booliska waxay isla markiiba bilaabeen baaritaan degdeg ah iyo hawlgal qorshaysan, taasoo keentay in eedeysanaha la soo qabto saacado kadib.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar, G/Sare Xussen Cali Maxamuud, ayaa sheegay in laamaha amniga ay si wadajir ah uga shaqeeyeen xaqiijinta iyo qabashada eedeysanaha.
Wuxuu si gaar ah uga mahadceliyay shacabka magaalada Qardho oo la shaqeeyay ciidanka, taasoo suuragelisay in eedeysanaha si dhaqso leh loo aqoonsado loona soo qabto.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono cadaaladda, isagoo xusay in ciidamada ammaanku sii laba-jibaari doonaan hawlgalada lagula dagaalamayo hubka sharci-darrada ah, gaar ahaan toorida iyo qalabka kale ee khatarta ah.