Khayre oo shaaciyay tirada lacagta ku baxday ciidanka labadii sano ee lasoo dhaafay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya  mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka hadlay cabashada kasoo yeereysay qaar kamid ah ciidanka dowlada oo ku aadan in aysan mushaar qaadan mudo afar bilood ah.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya in ciidanka dowlada ay si toos ah u qaataan mushaarkooda gaar ahaan kuwa la diwaan galiyay, waxa uuna xusay in ay jiraan ciidamo kale oon wali la diiwaan galin kuwaa uu iyana xusay in xuquuqdooda heli doonaan.

” Askari aan mushaarkiisa iyo xaququdiisa la siin majirto, Inta ay ka maqan tahayna waa inta aan la diiwaan gelin, waxaana farayaa in la diwaan galiyo oo loogu tago goobaha ay joogaan ” ayuu yiri Kheyre.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in mushaarka ciidanka dowlada markii hore ay bixin jireen dowladaha Turkiga, Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, waxa uuna xusay in hada mushaarka laga bixiyo canshuurta ay dowladu qaado.

Waxa uu sheegay in ciidamada qalabka sida ay ku baxaan malaayiin dollar, waxa uuna cadeeyay in sanadbo sanadka ka dambeeya ay sii kordhayaan lacagta lagu bixiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in ciidanka dowlada ku baxday sanadkii 2017-kii lacag gaareysa 89-milyan oo dollar halka sanadkii hore 2018-ka ay ku baxday 102-milyan oo Dollar, waxa uuna cadeeyay in sanadkan filayaan in ay ku baxdo 107-milyan oo dollar.

Hadalka Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo aadaa xili maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowlada qaarkood ka cabanayeen in aysan qaadan mushaar mudo 4-bil ah, waxa ayna cidamada qaarkood kasoo baxeen saldhigyadii a ku jireen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -