Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey ay heshiis qarsoodi ah la gashay kooxda Al shabaab, si ay isaga joojiyaan duullaankii ku wajahnaa magaalada Muqdisho.
Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in tallaabadaasi darteed Villa Somalia xilkii uga qaaday Taliyihii NISA Cabdullaahi Sanbalooshe, isla markaana caqabad u dhigtay dagaalkii Macawisleey ee Gobolka Hiiraan, si ay u fuliso heshiiskii labada dhinac ee dowladda iyo kooxda.
“Villa Somalia waxay heshiis qarsoodi ah kula jirtaa maleeshiyaadka Al shabaab, si loo fuliyo heshiiskii labada dhinac waxaa xilkii laga qaaday Taliyihii Sirdoonka NISA Sanbalooshe, waxaana caqabad loo dhigay dagaalkii Macawisleey ee Gobolka Hiiraan, waxay sidaasi u samaynayaan in dagaalka Al shabaab oo ay heshiis kula jiraan uu istaago” ayuu yiri Maxamuud Caydiid Dirir.
Dowladda Soomaaliya weli kama hadlin  eedeyntan ka tmid wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir oo u muuqata mid ka ka badbadis ah oo caqliga saliimka ah uusan aqbali karin.