Allbanaadir.com
NEWS

Soomaali ku dhaawacmay duqeynta Israel oo laga soo badbaadiyey Iran (Sawirro)

Howlwadeenada Safaaradda JFS ee wadanka Turkiga ayaa sheegay iney ku guulaysteen inay xuduuda Iran soo dhaafsiiyaan una soo gudbiyaan dhanka Turkiga muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Dr. Mustafa Cali Macalin oo uu dhaawac fudud kusoo gaaray magaalada Tehran kadib weerar ay Israel halkaas ku soo qaaday.

Dr. Mustafa Cali Macalin oo wadanka Iran dhaqtarnimada ku bartay ayaa ka mid ah dhalinyaro Soomaaliyeed oo ilaa toboneeyo lagu qiyaasay oo wadanka Iran wax ku barta.

Safaarada JFS ee  Ankara ayaa sheegtay iney maalmaahaan ku mashquulsan inay muwaadineenta Soomaaliyeed ee Iran ku sugan laga soo kaxeeyo halkaas hadii ay magaalada ay ku sugan yihiin ku dareemaan amni xumo.

Safaarada JFS ee Ankara waxay mahad gaar ah u celinaysaa dowlada Turkiga oo  fududeeysay sidii Dr. Mustafa loo soo gaarsiin lahaa wadanka Turkiga si uu halkaas ugaga sii gudbo wadankiisa Soomaaliya.

Safaarada JFS ee Wadanka Türkiye waxay la socodsiinaysaa mawaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Wadanka Iran ee doonaaya inay iskaga soo baxaan wadankaas dagaalada halkaas ka socda darteed inay lasoo xiriiraan safaaradda si looga kaalmeeyo sidii ay si nabad ah wadanki ugu noqon lahaayeen.
Mobile Number +905345933990

Related posts

Xeer Ilaalinta Qaranka oo Mas’uuliyiin hor leh u xirtay Musuq iyo baaris socota

Caydiid Ali

Daawo: Sawir shaki badan dhaliyey oo lagu arkay bogga Wasaarada A/dibeda Itoobiya

Caydiid Ali

Ciidanka Danab oo fuliyay howlgal lagu laayay xubno badan oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---