Amiiro diiday in ay ka baxaan Qasriga Boqortooyada Sacuudiga oo Xabsiga la dhigay

Dowlada Sacuudiga ayaa xabsiga dhigtay 11- Amiir oo si weyn looga yaqaan dalkaasi kuwaa oo la sheegay in ay diideen in ay bixiyaan qarshaad looga lahaa biyaha iyo Korontada ay is icmaalaan.

Amiiradan oo tagay Qasriga looga arimiyo Boqortooyada ayaa la sheegay in ay Boqorka iy Dhaxal sugaha ka dalbadeen in magdhaw laga siiyo Wiil qaraabo dhaw la ahaa oo la dilay labo sano kahor .

Wadahadlo saacado socday ayaa markii dambe kusoo dhamaaday isfaham daro, waxa ayna diideen Amiiradan in ay ka baxaan Qasriga taa oo markii dambe keentay in xabsiga la dhigo.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Sacuudiga ayaa sheegay in qof walba ay tahay in lala xisaabtamo iyadoon la eegayn xilka uu hayo, waxa uuna intaa ku daray in Amiiradan Maxkamad lasoo taagi doono.

Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa awood badan lasoo baxay, waxa uuna xiray AMiiro iyo dad badan oo magac lahaa kuwaa oo qaarkood lacag lagu sii daayay halka kuwa kalana ay wali xiram yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -