Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaanada Baarlamanka Somalia oo kulan deg deg ah la isugu yeeray

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka  Soomaaliya ayaa maanta Magalada muqdisho ku yeelanaya kulan deg deg ah, maadaama Xildhibaanada ay fasax ku jiraan uuna xiran yahay kalfadhiga 4aad ee Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.

Kulanka oo lagu qabanayo Xarunta Dugsiga tababarka ee Janeraal Kaahiye  ee Magalada Muqdisho ayaa Ajendaha Kulanka uu yahay hadal jeedinta Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in xalay lagu wargeliyey inay soo xaadiraan kulanka deg dega ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hortagayo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayaa qabanqaabada furitaanka kulanka Baarlamaanka ee uu ka qeyb galayo Madaxweynaha dalka Jabuuti, waxaana Maanta aad loo adkeeyey amniga Guud ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay xiran yihiin waddooyinka qaar.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sidoo kale Maanta xariga ka jari doonaa Safaarada Dowladda Jabuuti ay ka dhisatay degmada Cabdulcasiis ee Gobolka Banaadir, isagoo sidoo kale booqan doona goobo kale.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Pakistan oo yeelatay Raisul Wasaare cusub ka dib xilka ka qaadistii Imran Khan

Caydiid Ali

Shaqo joojin lagu sameeyay Cali Dhuux Cabdi Mahadale (Akhriso Wareegto)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo ka walaacsan go’aan uu soo saaray Madaxweyne Biden

Caydiid Ali
Taboola Ads ---