Pakistan oo yeelatay Raisul Wasaare cusub ka dib xilka ka qaadistii Imran Khan

Pakistan ayaa yeelatay Ra’iisul Wasaaraha cusub kadib markii Axaddii xilka laga tuuray Imran Khan oo iska casilay kursigiisa golaha qaranka — isaga iyo inta badan xubnaha xisbigiisa ka hor codeynta.

Khan ayaa xilka laga qaaday Axaddii kadib markii uu lumiyey codka kalsoonida, taasoo dhabbaha u xaartay isbaheysi lama filaan ah oo hadda wajahaya caqabado la mid ah kuwii la degay Khan.

Shehbaz Sharif oo hoggaamiya xisbiga Pakistan Muslim League-N ayaa baarlamanka dalkaas waxaa uu u doortay inuu noqdo RW cusub ee dalkaas.

“Waa guul usoo hoyatay wanaagga, xumaantana waa laga guuleystay,” ayuu yiri Sharif oo la hadlay xubnaha baarlamanka.

Xisbiga RW hore Imran  Khan ee Pakistan (PTI) ayaa 155 xildhibaan ku lahaa baarlamanka oo ka kooban 342-ka kursi ka hor inta aanay badankood is-casilin, waxaana Shariif lagu doortay 174 cod.

Dibedbaxyo ay u soo baxeen boqolaal kun oo shacab ah ayaa gilgilay saacadihii la soo dhaafay magaalooyinka dalkaas, kuwaasoo lagu taageerayo RW xilka laga qaaday Imran khan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -