Dowlada Somalia oo ka walaacsan go’aan uu soo saaray Madaxweyne Biden

Dowlada Soomaaliya ayaa ka walaacsan isbedelka Madaxweyne Biden ee ku xadeeyey isticmaalka diyaaradaha drone-ka iyo duqeymaha ciidamada Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya.

Saraakiisha Soomaaliya ayaa isbeddeladan u arka kuwa kooxda Al-Qacida ku xiran ee markii horeba dhiiri-gelinta haysata siin kara fursado badan oo ay ku holw-gasho.

Tan iyo markii Joe Biden noqday madaxweynaha Mareykanka 20-kii Janaayo, dowladda Mareykanka ayaan wax duqeymo ah la beegsan Al-Shabaab, kadib toddoba duqeyn oo ay fulisay 1-dii illaa 19-kii Janaayo ee sanadka 2021.

Saraakiil sare oo ka tirsan militiraga Soomaaliya ayaa ka walaacsan in jiheynta cusub, oo xakameyn xooggan kusoo rogtay duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya, una baahan in Aqalka Cad uu ansixiyo howlgallada, ay ka dhigan tahay in Al-Shabaab ay dib isu urursan doonto.

“Duqeyn la’aanta waxay ka dhigan tahay in hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ay kasoo bixi doonaan dhuumashada,” waxaa sidaas yiri sarkaal sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya.

“Waxay dib usoo saari doonaan hubkooda dagaalka, qoryo waa weyn ay ku rakiban doonaan baabuur, waxayna billaabi doonaan inay tiro badan isku urursadaan,” ayuu yiri.

“Waxay waxyeelo badan u gaysan doontaa Soomaaliya kaliya maahee gobolka oo dhan, haddii Al-Shabaab la siiyo xorriyad ay ku dhaq-dhaqaaqaan.”

Waxaa sidoo kale walaaca sii kordhinaya, ayada oo ciidankii la-dagaalami lahaa Al-Shabaab hadda loo adeegsanayo ujeedooyin siyaasadeed, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -