Villa Somalia oo xanibaad ku soo rogtay qaar ka mid ah Suxufiyiinta Muqdisho

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa xayiraad ku soo rogtay Saxafiyiinta ka howlgala magaalada Muqdisho ee tebiya dhacdooyin maalmeedka, kadib markii loo diiday inay ka qeyb galaan soo dhoweyntii maanta loo sameeyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo xaflad caawa ka socota Madaxtooyada oo lagu soo dhoweynayo wafdiga Geelle.

Agaasinka warbaahinta u qaabilsan Villa Somalia ayaa xarumaha warbaahinta oo u badan TV-yada waxay u sheegtay inaan loo ogoleyn saxafiyiinya wararka tebiga, balse ay soo dirsan karaan oo kaliya filim-qaadayaasha, taasoo keentay inay weriyeyaasha awoodi waayaan tebinta dhacdadaasi, waxaana filim-qaadayaasha loo ogolaaday ay sheegeen in cadaadis la saaray ayna awoodi waayeen inay helaan muuqaallo wanaagsan.

Saxafiyiinta ayaa tallaabadan ku eedeeyay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed oo mar kale hor istaagay in warbaahinta madaxa banaan ay si buuxda uga qeyb galaan tebinka wararka la xiriira Imaatinka Madaxweyne Ismaaciil Cumar geelle, iyadoo weliba sidoo kale xayiraad kale ku soo rogay xaflada caawa ka socota Muqdisho oo kaliya loo ogolaaday filim-qaadeyaasha.

Dhinaca kale Telefishanka cusub ee N&N oo loo badinayo in Madaxtooyada laga leeyahay ayaa si weyn u tebiyay soo dhoweyntii Madaxweynaha Jabuuti, iyadoo fursado u gaar ah la siiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -