Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo xaruntiisa ku qaabilay C/rashiid Xiddig iyo xubno kale (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Masuuliyiinta Golaha isbadal doonka Jubbaland.

Waxaa Madaxweynahu uu masuuliyiintan u sameeyay Afur sharafeed iyadoo ay kasoo qaybgaleen dhamaan xubnaha ugu sareeya golahan ee ku sugan Caasimada KMG ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa masuuliyiintan ku amaanay dadaalka ay kaga qayb qaadanayaan Midnimada iyo wadajirka Bulshada Jubbaland isagoo xusay in tageero buuxda ay Xukuumada Jubbaland la garab taagan tahay.

Masuuliyiinta Golaha isbadal doonka Jubbaland ee diidanaa doorashadii Jubbaland oo ay ka mid yihiin Xildhibaan C/rashiid Xiddig iyo C/naasir Seeraar ayaa dhowaan la heshiiyey Axmed madoobe mka dib kulamo ka dhacay magaalada Nairobi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Ciidanka dowladda oo isaga baxay degmada Ceelbuur iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Cabdi Cade

Nin dad ku laayey Masjidka Quebec oo laga qafiifiyey xukun horey loogu riday

Caydiid Ali

Nin maalmo kahor hadallo kicin ah kaga dhawaaqay magaalada Muqdisho oo la xiray !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---