Madaxweyne Biixi: “Shiinaha nooma yeerin karo Siyaasadeena arrimaha dibeda”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay xukuumad ahaan hore ugu sheegeen mas’uuliyiinta dalka Shiinaha in aanay jirin cid u yeerin karta halka ay xiriir diblamasiyadeed Somaliland la yeelanayso.

Biixi ayaa dhinaca kale ka jawaabay hadalo uu sheegay in ay ka soo baxeen dowladda Soomaliya kuwaasi oo la xidhiidha Somaliland.

“Waad la socotaan qoladaa Xamar ka talisa dagaalada ay ku jiraan waxaad kala socotaan Mediaha, Somaliland maalinta wax yar oo horumar gaadhaanba dagaalka u badan bay qaadaan, waxaan doonayaa inaan u sheego qolada Xamar, Shiinuhu iyagoo wasiir ku xigeenkoodu socdo oo noo yimi baanu ku niri, oo haddana ku leenahay ciddina luqunta na qaban mayso  oo waxa aanan doonayn noo tilmaami mayso, cidda aanu la xidhiidhayno, ciddina noo sheegi mayso, sidii waftigii Wasiir khaarajigu u sheegeen Taiwan, maaha go’aan shakhsi, wasiir iyo guddi kasoo baxay, wuxuu kasoo baxay qof kasta oo Somaliland ah da’a kastuu yahay iyo meel walba uu joogo” ayuu yiri Muuse Biixi o ka hadlaayey munaasabad maanta ka dhacday magaalada Hargeysa.

Hadalka Muuse Biixi ayaa ku soo aaday xili dhowaan  Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Shiinaha, Cawaale Cali Kulane, uu cambaareeyay wada-hadallada u dhaxeeya Taiwan iyo Somaliland.

“Waanu cambaaraynaynaa qaabka ay Taiwan ula dhaqanto Somaliland, waxaanu mar walba ilaalin doonaa madax-banaanida qaranka Soomaaliya iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya haday tahay Taiwan ama cid kaleba. Taiwan waxay abuuraysaa xasilooni darro ka dhacda Waqooyiga Soomaaliya,  iyo xasillooni darro ka dhacda gobolka iyadoo la samaynaysa xiriir diblomaasiyadeed gobol gooni-goosad ah,” ayuu yiri safiirka Soomaaliya ee Shiinaha.

Safiirka ayaa sheegay in heshiis xagga kheyraadka ah oo ay wada galeen Somaliland iyo Taiwan uu yahay heshiis aan waxba ka jirin, isagoo sheegay in aysan ogolaaneyn in Taiwan ama cid kasta oo isku dayda si ay u dhacaan kheyraadka Soomaaliya, iyagoo adeegsanaya heshiisyo been abuur ah. Kuwaas oo aan ilaalinayn sharciga caalamiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -