Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nabadoon caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa caawa nabadoon caan ah ku dilay degmada dayniile ee magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Nabadoon Cabdi Cali Guure ayaa la dilay wax yar ka dib markii uu ka soo baxay masaajid uu ku soo tukaday salaadii cishaha.

Goob joogayaal ayaa sheegay in marxuumka uu isla goobta ku geeriyooday, iyadoo raggii dilka geystay ay ka baxsadeen goobta.

Lama oga sababta iyo cida ka dambeysa dilka nabadoonka inkastoo dilalka noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab ee diidan jiritaanka DF iyo joogitaanka ciidamada shisheeye.

Maamulka degmada dayniile iyo saraakiisha laamaha amaanka degmadaas ayaan ka hadlin dilka Nabadoon marxuum Cabdi Cali Guure.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo joojineysa in Madaxda maamul goboleedyda la kulmaan Madaxda wadamo kale !!

Cabdi Cade

Goobo ganacsi oo kuyaala magaalada Muqdisho oo la bur buriyay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Saddex caruur ah oo ku dhintay god biyo ku jiraan oo ku yaalla degmada Dayniile(Daawo Muuqaal)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---