Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Qarax gaari hoosta looga soo xiray ayaa goordhaw ka dhacay Laamiga Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho gaar ahaan inta u dhaxeysa Daarta Tree Biyaano iyo Isgooska Shaqaalaha.

Sida aan Wararka ku helnay qaraxa ayaa lagu soo xiray gaari nuuciisu yahay Surf oo la sheegay in uu lahaa sargaal katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya gaar ahaan qeybta dambi baarista CID-da.

Qaraxan ayaa wararka aan helnay sheegayaan in uusan geesan wax khasaaraha, wadaha gaariga ayaa lagu soo waramay in uu gaariga ka shakiyay kadibna ka dagay, waxaana goobta gaariga ku qarxay laga fogeeyay dadkii ka agdhawaa.

Qaraxyada gaadiidka hoosta looga soo xiro ayaa xiliyada qaar ka dhaca magaalada Muqdisho, qaraxa nuucaan ah ayaa inta badan lala beegsadaa wadaha gaariga oo dhimasho ama uu dhaawac inta badan kasoo gaaro qaraxa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qareen Xaday Lacag badan oo Soomaaliya leedahay oo Dacwado lagu soo oogay

Cabdi Cade

Akhriso Go’aano cusub oo qaarkood adag yihiin oo soo saartay Dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade

Xasuuq isir sifeyn ah oo ka socda Gaza & Xamaas oo ku baaqday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---