Muuse Biixi oo shaaciyay Xiliga iyo goobta ay kuwada hadlayaan Dowlada Soomaaliya

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaca ka qaaday in uu dib u bilaabanayo wadahadaladii u dhaxeeyay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka uu isagu hogaamiyo.

Muuse Biixi ayaa sheegay in 19-ka bishan aan ku jirno ee Maarso in qorshuhu yahay in wadahadal u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland uu ka furmo  dalka Gana ee kuyaala Galbeedka Afrika.

Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweynaha Somaliland in dhankooda ay raali ka yihiin wadahadalkaasi ka dhaca dalka Gana, waxa uuna xusay in dowlada federaalka Soomaaliya ay diidan tahay wadahadalka Gana ka furmaya.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin wadahadalkan ka dhacaya dalka Gana, lamana oga ilaa hada in Dowlada Federaalka ay aqbashay wadahadalada lagu wado in uu ka furmo dalka Gana.

Wadahadaladii u dhaxeeyay dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa istaagay sanadkii 2015-kii, waxaana dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo marar badan shaacisay in diyaar u tahay in dib loo bilaabo wadahadalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -