Xiliga Muqdisho la keenayo lana aasayo Meydka Wasiirkii Dastuurka oo la shaaciyay

Guddi Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre u magacaabay qaban qaabada aaska Wasiirkii Dastuurka xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa wada qaban qaabadii ugu dambeesay oo aas Qaran Marxuunka loogu sameenayo.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Xuseen Cabdi Cilmi oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in beri oo Axad ah Muqdisho la keeni doono laguna aasi doono Meydka Marxuun Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Aaska  Wasiirkii Dastuurka Soomaaliya ayaa la filayaa in ay ka qeyb galaan madaxda ugu sareysa dalka, waxaana magaalada Muqdisho ka socota qaban qaabada aaska loo sameenayo Marxuun  Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Allaha u naxariistee waxaa shalay dalka Imaaraadka Carabta ku geeriyooday Wasiirkii Dastuurka Xukuumada Soomaaliya oo u geertiyooday xanun deg deg ah oo kusoo booday, waxa uuna Wasiirka u tagay Imaaraadka ka qeyb galka arooska gabadhiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -