Taliye C/raxmaan Xujaale oo ahaa taliyihii Guutada 26aad ee qeybta 27aad ee Xoogga dalka ayaa la lagu dilay galabta deegaanka Mubaax ee Gobolka Hiiraan.
Askari ka tirsan Ciidamadiisa ayaa la sheegay in dilkaan uu geystay kaddib markii qoriga Dhashiikaha loo yaqaano uu kaga dhuftay Madaxa iyo dhabarka sida goob joogeyaal ay tilmaameen.
Askariga dilka geystay in askar kale ayaa la sheegay in la qabtay oo xabsiga loo taxaabay, waxaana socda baaritaano la xiriira sababta keentay in la dilo taliyaha.
Askariga dilay ayaa sheegay in qoriga Dhashiikaha ah ee uu xabadaha ka riday uu tijaabinayey sidaasna uu taliyaha ku dhintay.
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay askariga dilay la taliyaha la soo taagayo Maxkamada ciidamada qalabka sida marka baaritaanada kiiska la soo dhameystiro.