Madaxweynihii hore ee Gabon, Cali Bongo Ondimba, ayaa isaga iyo qoyskiisa u dhoofay dalka Angola, halkaas oo ay magangalyo siyaasadeed ka heleen, kadib markii laga sii daayay xabsi guri ay ku jireen tan iyo afgambigii militari ee dhacay bishii Agoosto 2023. Sida ay xaqiijisay madaxtooyada Angola, Bongo, xaaskiisa Sylvia, iyo wiilkooda Noureddin ayaa ka ambabaxay Gabon fiidkii Khamiista, iyagoo gaaray caasimadda Luanda .
Kadib afgambiga, Cali Bongo ayaa la geliyay xabsi guri, halka xaaskiisa iyo wiilkooda lagu xiray dhismaha madaxtooyada, iyadoo lagu eedeeyay musuqmaasuq iyo lacag dhaqid. Bishii May 2025, Sylvia iyo Noureddin ayaa loo wareejiyay xabsi guri, kadib cadaadis uga yimid Midowga Afrika, oo sidoo kale ku baaqay in la sii daayo qoyska Bongo .
Sii deyntooda iyo u dhoofistooda Angola ayaa lagu sheegay inay ka dambeysay heshiis dhexmaray hoggaamiyaha afgambiga, Jeneraal Brice Oligui Nguema, iyo Madaxweynaha Angola, João Lourenço, oo matalayay Midowga Afrika. Sawirro ay baahisay madaxtooyada Angola ayaa muujinaya qoyska Bongo oo gaaraya Luanda .
Cali Bongo ayaa xukunka Gabon hayay tan iyo 2009, isagoo xilka kala wareegay aabihiis, Omar Bongo, oo dalkaasi xukumayay in ka badan 40 sano. Afgambiga dhacay 2023 ayaa soo afjaray 54 sano oo ay qoyska Bongo xukunka hayeen.
Xaaladda caafimaad ee Bongo ayaa la sheegay inay tahay mid liidata, iyadoo la xusay in uu u baahan yahay daryeel caafimaad oo dibadda ah. Sii deyntiisa iyo u dhoofistiisa Angola ayaa loo arkaa tallaabo lagu yareynayo xiisadda siyaasadeed ee Gabon, iyadoo sidoo kale la filayo in ay fursad u tahay Bongo inuu helo daryeel caafimaad oo habboon.